HomeWararDowladda Shiinaha oo taageero hor leh u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo taageero hor leh u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao. Kulanka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya. Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladiisu ka wado Soomaaliya gaar ahaa mashiiriic ay ku taageero Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska sida qalabeynta iyo horumarinta dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale Safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee  dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, sidaas oo kalana Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dowladda China lagama maarmaanna ay tahay xoojinta arrintaasi.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashada waxaana uu balan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta Dhaqanka iyo Warbaahinta.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku  dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe oo ka mid ah Guddiga Abaaraha, waxaa uu sidoo kale Safiirka kala hadlay in  dowladda China gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la’aanta.

Latest stories