HomeWararDowladda Ingiriiska oo ka hadashay xukun dil toogasho ah oo Somaliland fulisay

Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay xukun dil toogasho ah oo Somaliland fulisay

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland, kuwaasi oo horey xukuno loogu riday, kadib markii lagu helay inay dilal geysteen. Marwo Lizzie Walker oo ah Wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku Cambaareeysay xukunka […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland, kuwaasi oo horey xukuno loogu riday, kadib markii lagu helay inay dilal geysteen.

Marwo Lizzie Walker oo ah Wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku Cambaareeysay xukunka dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyay Askarta ka tirsaneyd Somaliland ee horey dilalka u geystay.

- Advertisement -

Wakiilada ayaa tilmaamtay inay aad walaac u gelisay toogashada lagu fuliyay Askarta, isla markaana sheegtay in dowladda Ingiriiska kasoo horjeedo xukunka dilka ah ee qisaasta, iyadoo ku andacootay in ciqaabta dilka ahi, ay meel ka dhac ku tahay sharafta qofka.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta saaka laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagantahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha.  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada” ayay tiri Walker.

Dowlada Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya mar kasta oo Somaliland dil ku fuliso qof qof kale dilay, taa badalkeeda uma badna in ay ka hadlaan xukunada dilka ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya fuliso.

Latest stories