HomeWararDoorashada kuraastii ugu dambeysay ee taalla Magaalada Baraawe oo Maanta la qabtay

Doorashada kuraastii ugu dambeysay ee taalla Magaalada Baraawe oo Maanta la qabtay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwoodii ugu dambeeyay ee yaalla Magaaladaas. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-062 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Aweys Maxamed Cumar iyo Abuukar Maxamud Macalin Cumar, waxaana doorashada ku guuleystay Aweys Maxamed oo […]

- Advertisement -

Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwoodii ugu dambeeyay ee yaalla Magaaladaas.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-062 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Aweys Maxamed Cumar iyo Abuukar Maxamud Macalin Cumar, waxaana doorashada ku guuleystay Aweys Maxamed oo helay 80-cod, halka Abuukar Maxamud uu isna helay 15-cod, 2-cod ayaa halaabay.

- Advertisement -

Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195 ee Xubinnimada Golaha Shacabka BFS, isagoo heley codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayey Nuur Cali Nuur 19-cod.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop-187 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Cumar Aadan iyo Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashada kusoo baxay Dr Cali Fiqi oo helay 80-cod, halka Nuur Cumar uu isna helay 16-cod.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-057 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Muqtaar Axmed Xasan oo helay codad gaaraya 87-cod, isla markaana waxaa doorashada kula tartamay Iidle Ibraahim Nuur oo helay 7-cod, 1-cod ayaana Halaabay.

- Advertisement -

Kursiga Hop-194 ee ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Magaalada Baraawe ayaa waxaa ku guuleystay Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, isagoo helay 83-cod, halka musharaxii la tartamayey ee Qasaali Fiqi Abuu uu isna heley 12-cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Koonfur Galbeed, wuxuuna maamulkii ugu horreeyay ee dhammeeyay deegaan doorashada labaad.

Latest stories