HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddexda kursi ee Golaha Shacabka, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo […]

- Advertisement -

Doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddexda kursi ee Golaha Shacabka, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee tartanka.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadooda ka dhaceyso Galmudug ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin Hop#147 oo ay ku tartami doonaan Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Kursiga Hop#035 ayaa loo diiwan-geliyay inay ku tartamaan Cabdullaahi Axmed Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee howlaha Guud ee Maamulka Gobolkaan Banaadir, halka kursiga  Hop#055 ay ku tartami doonaan Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Maamulka Galmudug ayaa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku wada si dardar leh, waxaana Magaalada Dhuusamareeb ka dhacday doorashada Xildhibaano farabadan…

Latest stories