HomeWarar7 Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho

7 Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Doorashada kuraasta 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Dugsiga tababarka Ciidanka Boolisk Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye. Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, isagoo helay 85 Cod, kadib […]

- Advertisement -

Doorashada kuraasta 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Dugsiga tababarka Ciidanka Boolisk Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, isagoo helay 85 Cod, kadib markii ay u tanaasushay Sacdiya Maxamed Cabdi oo la tartami laheyd.

- Advertisement -

Doorashada HOP#212 ayaa waxaa ku tartami lahaa Farxiya Maxamed Cabdullaahi iyo Nuuriya Aadan Ciise, hayeeshee inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka tanaasushay Farxiya Maxamed, sidaasina lagu doortay Nuuriya Aadan oo heshay 93 Cod.

Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#207, waxaana kursigaas kusoo baxay DR Maxamed Xasan Maxamed oo helay 97 Cod, kadib markii ay u tanaasushay Hodan Ilyaas Bashiir.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#242 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ahaa Faadumo Ismaacil Xuseen iyo Aasiya Cabdirashiid Faarax, balse tartanka ayey Aasiya Cabdirashiid ka hartay, waxaana kusoo baxay kursiga Faadumo Ismaacil oo heshay 95 Cod.

- Advertisement -

Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada kuraasta labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#258, iyadoona ay ku tartami lahaayeen Sahra Yuusuf Cige iyo Aamina Abuukar Maxamed, balse Aamina ayaa u tanaasushay Sahra Yuusuf oo heshay 96 Cod.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#224 ayaa waxaa kusoo baxay Caydaruus Saalax Yuusuf oo helay 97  Cod, kadib markii ay tartanka ka tanaasushay Hoodo saalax Cabdi oo la tartami laheyd Caydaruus Saalax.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 ayaa waxaa ku tartami lahaa Maryam Maxamed Nuur iyo Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog, waxaana kusoo baxay Nuuradiin Cabdullaahi oo helay 96 Cod, waxaana tartanka doorashada ka hartay Maryam Maxamed Nuur.

Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog ayaa waxaa uu ahaa Wariye ka howlgeli jiray Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa, balse markii dambe ayuu soo wareystay Magaalada Muqdisho, isagoona haatan  ka howlgalayey mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ah.

Latest stories