HomeWararYaa kusoo baxay kursigii Golaha Shacabka ee ku fadhiyey Cabdiweli Muudeey?

Yaa kusoo baxay kursigii Golaha Shacabka ee ku fadhiyey Cabdiweli Muudeey?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka socota Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada kuraasta qaar ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la doortay, waxaana kuraasta la doortay ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP145 oo sanadihii lasoo dhaafay ku […]

- Advertisement -

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka socota Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada kuraasta qaar ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la doortay, waxaana kuraasta la doortay ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP145 oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Muudeey.

- Advertisement -

Kursiga #HOP145 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay Codad gaaraya 76 Cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayey Cabdullaahi  Axmed Cabdi uu isna helay  12 Cod, waxaana doorashada ka halaawday 2 Cod.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo ahaa ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ayaa ku fadhiyey kursiga #HOP145, isagoona dhawaan loo diiday inuu aado Magaalada Baraawe, si uu ugu tartamo kursigiisa, laguna celiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la doortay ee Maxamed Cabdalla ayaa la sheegay inuu ku dhashay deegaan ka tirsan Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa la sheegaa inuu heysto dhalashada Australia, wuxuuna bedeli doonaa Cabdiweli Muudeey.

Latest stories