HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska oo shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska Booliska dowladda Soomaaliya ayaa faah faahiyey ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam. Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Koowaad oo ku bilowday gaari walxaha qarxa […]

- Advertisement -

Taliska Booliska dowladda Soomaaliya ayaa faah faahiyey ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Koowaad oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Saldhiga degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo dhacay Abaaro 12:51 habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeenka Booliska in weerarka kadib uu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday oo muddo ku dhow saacad ka dhex dagaalamayay gudaha Saldhiga Kaxda, kadibna ay isaga baxeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo uu Afhayeenka xusay in waxyeelo kasoo gaartay shacabkii deganaa agagaarka Saldhiga, isagoona intaas kusii daray in Ciidanka Booliska ay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, xili dableydii hubeysneyd ay gudaha Saldhiga Kaxda ka qaateen laba gaari oo yaallay halkaas.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in weerarka labaad oo isna loo adeegsaday gaari qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray deegaanka  Daaru-salaam, uuna ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in weerarka Daaru-salaam ay ku dhinteen laba gabdhood, halka 16 qof kalena ay ku dhaawacmeen weerarka oo ay ku jireen saddex Askari ka tirsan Ciidanka Booliska  iyo kuwa Milateriga, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay in sababta loo weeraray degmada Kaxda ay tahay in halkaas maalmihii dambe ay ka socdeen Arrimo horumar iyo Iskaashi oo ay wadeen dadka deegaanka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday inay sugi doonaan Ammaankooda, sidoo kalena aysan casbi gelin karin falalka amni darro ee mararka qaarkood ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Latest stories