HomeWararTaliska Booliska oo ka hadlay weeraro xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada...

Taliska Booliska oo ka hadlay weeraro xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Weeraro ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga buuxiyey walxo qarxa oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan. Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in weeraro qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Saldhigyada […]

- Advertisement -

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Weeraro ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga buuxiyey walxo qarxa oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in weeraro qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan ee Gobolka Banaadir , isla markaana Ciidanka Booliska ay iska difaaceen weeraradii lagu soo qaaday labada Saldhig.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in weerarada ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayna wadaan tirada koob ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka, oo jugtooda siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Afhayeenka Booliska ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiid haleysan oo yaallay gudaha Saldhiga degmada Kaxda ay qaateen raggii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, isagoona Carabka ku dhuftay inay faah faahino dheeraad ah ka bixin doonaan wixii xalay dhacay.

Sidoo kale Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaas kusii daray in laamaha amniga ay ka hortageen weerar kale uu ku tilmaamay fowdo oo ka dhici lahaa deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayna dadkii ka dambeeyay falkaas ku daba jiraan.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xooganaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, maadaama ay dhaceen weerarada saqdii dhexe ee xalay oo badi dadka kunool Caasimadda Muqdisho ay hurdayeen.

Latest stories