HomeWararSomaliland: Rag Maanta lagu fulin rabay xukun toogasho ah oo laga furay...

Somaliland: Rag Maanta lagu fulin rabay xukun toogasho ah oo laga furay Tiirka dilka  

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada kala duwan Somaliland, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukuno ugu riday. Askarta dilka toogashada lagu fuliyey ayaa horey deegaano ka tirsan Somaliland dilal ugu geystay dad shacab ah, iyagoona markii la soo […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada kala duwan Somaliland, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukuno ugu riday.

Askarta dilka toogashada lagu fuliyey ayaa horey deegaano ka tirsan Somaliland dilal ugu geystay dad shacab ah, iyagoona markii la soo qabtay Askarta falalka geysatay, la horgeeyay Maxkamadda oo xukuno ku riday, Maantana lagu fuliyey xukunkaas.

- Advertisement -

Sidoo kale tiirka loogu tala-galay inuu ka dhaco xukunka dilka toogashada ayaa waxaa Maanta laga furay laba Nin kale oo horey Maxkamadda Somaliland xukuno dil toogasho ugu riday, isla markaana la qorsheeyay raggaas in la toogto.

Labada nin oo tiirka lagu xiray, si loo qisaaso ayaa laga furay xariga, kadib markii Ehelada raggii ay horey u dileen labada Nin ay sheegeen in ay mag qaadanayaan, isla markaana laga furo tiirka dilka toogashada ah.

Labadan nin ayaa waxaa uu mid kamid ahaa Rag Burcad-badeed ah oo mar isku dayay inay Xabsiga Magaalada Hargeysa ay ka baxsadaan.

- Advertisement -

Koonfurta Soomaaliya ayuu ka soo jeeda Ninka Burcad-badeedka ka tirsanaa, waxaana uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta oo ilaalinayay Xabsiga Hargeysa. Qofka labaad ee maanta tiirka laga furay ayaa isna ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland kaas oo hore nin ay qaraabo yihiin ku dilay Magaalada Laascaanood.

Latest stories