HomeWararRW Rooble iyo Laamaha Amniga oo kulan Deg-deg ah ka yeeshay Amniga...

RW Rooble iyo Laamaha Amniga oo kulan Deg-deg ah ka yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’addaha kala duwan ee ammaanka dowladda Federaalka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo weeraradii khasaaraha dhaliyey ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga degmada Kaxda iyo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’addaha kala duwan ee ammaanka dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo weeraradii khasaaraha dhaliyey ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Saraakiisha Booliska dowladda ka dhageystay Warbixino ku aadan xaaladda amniga Caasimadda iyo qorshaha lagu xoojin karo ammaanka, xili falal amni darro ay maalmihii dambe kusoo bateen Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana la xoojiyo sugida amniga Caasimadda.

Kulankaan uu Rooble isugu yeeray Saraakiisha amniga ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay  Al-shabaab weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac…

- Advertisement -

Saddex qof ayaa ku geeriyooday weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho, halka 16 qof kalena oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidanka Booliska iyo Milateriga ay ku dhaawacmeen weerarada, sidoo kalena waxaa burburay dhismayaal farabadan..

Latest stories