HomeCaalamkaRuushka oo Ciidamo farabadan ku daabulay Xuduudka uu la leeyahay Ukraine

Ruushka oo Ciidamo farabadan ku daabulay Xuduudka uu la leeyahay Ukraine

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ruushka ayaa ciidamo badan ku soo daadiyay meelo kala duwan oo ku teedsan xudduudaha Ukraine, laakiin in la ogaado tirada dhabta ah waa adag tahay. Saraakiisha reer galbeedka ayaa todobaadkii hore sheegay in tiradaasi ay gaartay 130,000 – marka loo eego qiyaastoodii hore ee 100,000. Balse khudbad uu jeediyay Talaaladii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu […]

- Advertisement -

Ruushka ayaa ciidamo badan ku soo daadiyay meelo kala duwan oo ku teedsan xudduudaha Ukraine, laakiin in la ogaado tirada dhabta ah waa adag tahay.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa todobaadkii hore sheegay in tiradaasi ay gaartay 130,000 – marka loo eego qiyaastoodii hore ee 100,000. Balse khudbad uu jeediyay Talaaladii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ku sheegay tirada xitaa in ka badan, 150,000.

- Advertisement -

Iyadoo Ruushku uu sheegay in uu bilaabayo in uu dib u soo celiyo ciidamadiisa, uuna soo afjari doona dhoolatuska milatari ee Crimea.

Ciidamada cusub ee la geynayo dalka Belarus waxaa ka mid ah ilaa 30,000 oo askari, halkaas oo dhoolatus milateri oo wadajir ah loo qorsheeyay inuu ka socdo ilaa 20ka Febraayo.

Duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine waa mid dhici doona, sida uu qabo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Waxa uu sheegay in Maraykanka uusan xaqiijin ciidan uu Ruushka ka qaaday xuduudda Ukraine, inkastoo ay xukuumadda Moscow shaacisay inay aaggaas kala baxayso qeyb kamid ah ciidamadeeda.

- Advertisement -

Aqalka Kremlin-ka ayaa beeniyay in Ruushka uu duullaan qorsheynayo.

Latest stories