HomeWararQoorqoor oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Qoorqoor oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay, wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda IOM. Kulanka ayaa waxaa madaxwaynaha kuwehlinayay Wasiiru Dowlada Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo masuuliyeen ka socotay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cilimada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug, Madaxwaynaha […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay, wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda IOM. Kulanka ayaa waxaa madaxwaynaha kuwehlinayay Wasiiru Dowlada Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo masuuliyeen ka socotay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cilimada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug,

Madaxwaynaha iyo wafdiga ayaa kawada hadlay xaaladda abaaraha iyo saameenta ay ku yeesheen deegaanada Galmudug oo ay abaartu saameesay.

- Advertisement -

Booqashada wafdiga IMO ayaa salka kuhayay mashruuc ay kafulinayaan Galmudug, waxaana mashruucan uu yahay mid wax kaqabanaya arimaha deegaanka iyo biyo la’aanta soo foodsaartay dada kunool miyiga deegaanada Galmudug.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxana Qaramada Midoobay uu ku booriyay laba jibaarista mashaariicda noocaan ah, kuwaas oo wax looga qabanayo abaarta lixaadka leh ee kudhufatay Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Galmudug.

Kadib markii uu soo idlaaday kulanka Madaxwaynaha iyo saraakiisha kasocotay hay’dda IOM, waxaa wafdiga IOM oo ay wehlinayaan agaasimaga guud ee madaxtooyada Galmudug, Cismaan Macalin Xassan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamud Cabdi Axmed Kaarshe iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda deegaanka ay booqdeen madaxtooyada cusub ee Galmudug oo maraya heer gaba gaba ah, Wasaraadda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Hormarinta reer Miyiga, iyo sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

- Advertisement -

Booqashada wafdiga IOM iyo mashruuca ay ka fulinayaan Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xoogan ay kudhfteen Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Galmudug, iyadoona lafilayo in mashruucan goordhow laga fuliyo deegaanada miyiga Galmudug oo ay abaartu saameesay.

Latest stories