HomeWararPuntland oo shaacisay Liiska kuraasta Doorashada ugu horreeysa ee taalla Boosaaso

Puntland oo shaacisay Liiska kuraasta Doorashada ugu horreeysa ee taalla Boosaaso

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Guddiga Maamulka doorashada heer dowlad Goboleed (SEIT Puntland) ayaa shaaciyay qabashada doorashada 16 kursi oo kamid ah 37 kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Puntland ayaa lagu sheegay inay qaban doonaan 16 kursi oo doorashadooda maalmaha soo socda ka dhici […]

- Advertisement -

Guddiga Maamulka doorashada heer dowlad Goboleed (SEIT Puntland) ayaa shaaciyay qabashada doorashada 16 kursi oo kamid ah 37 kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Puntland ayaa lagu sheegay inay qaban doonaan 16 kursi oo doorashadooda maalmaha soo socda ka dhici doonto deegaan doorashada labaad ee Puntland, halkaas oo ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

- Advertisement -

Guddiga ayaa la filayaa inay soo saaraan Jadwalka doorashada kuraasta ay shaaciyeen, sidoo kalena laga sugayo inay soo bandhigaan Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada 16-ka kursi ee lasoo saaray…

Maamulka Puntland oo muddo ku dhow laba todobaad hakad geliyay qabashada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyagoona noqonaya maamulka saddexaad ee bilaabaya deegaan doorashada labaad ee doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u bilaabay doorashada Golaha Shacabka ee lagu qabanayo deegaan doorashada labaad ee Baraawe, halka Maamulka Hirshabeelle iyaguna ay deegaan doorashada labaad ee Golaha bilaabayaan 20-ka bishaan.

- Advertisement -

 

Latest stories