HomeWararKursigii ka harsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo Maanta la doortay

Kursigii ka harsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo Maanta la doortay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddiga doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay qabteen doorashada kursiga ka harsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursiga Aqalka Sare ee harsanaa Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed. Inta aan doorashada bilaaban ayaa […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay qabteen doorashada kursiga ka harsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga Aqalka Sare ee harsanaa Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.

- Advertisement -

Inta aan doorashada bilaaban ayaa waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadibna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen Musharax Farxaan Cali Maxamuud, waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhibaan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.

Guddoomiayaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay inuu kursiga harsanaa ee Aqalka Sare uu ku guuleystay Farxaan Cali oo helay 80 Cod.

Latest stories