HomeWararFaah faahin: Weeraro ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada...

Faah faahin: Weeraro ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Faah faahino ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray Saldhiga degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho  ayaa hurdada ka kiciyey badi dadka Caasimadda kunool, waxaana qaraxa kadib dhacay […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray Saldhiga degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho  ayaa hurdada ka kiciyey badi dadka Caasimadda kunool, waxaana qaraxa kadib dhacay iska horyimaad uu dhexmaray rag hubeysan oo weerarka ku qaaday Saldhiga Kaxda iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka ku bilowday qaraxa, isla markaana soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, sidoo kalena muddo ku dhow saacad ah ragga hubeysan ay heysteen Saldhiga degmada Kaxda.

Sidoo kale weerar xoogan oo ay qaadeen dabley hubeysan ayaa waxaa uu isna xalay uu ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka Booliska dowladda, uuna jiro khasaaro ka dhashay weerarkaas oo ka dambeeyay midkii lagu qaaday Kaxda.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xooganaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, maadaama ay dhaceen weerarada saqdii dhexe ee xalay oo badi dadka kunool Caasimadda Muqdisho ay hurdayeen, xiligii weerarada ka dhacayeen.

Latest stories