HomeWararFaah faahin: Darawal Mooto Bajaaj ku sidday Qaad oo lagu dilay Magaalada...

Faah faahin: Darawal Mooto Bajaaj ku sidday Qaad oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Faah faahino ayaa laga helayaa Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo daqiiqado kahor lagu dilay Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, wuxuuna Darawal u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Darawalka la dilay uu Mooto Bajaajta ku siday qaad uu soo qaaday, isla […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo daqiiqado kahor lagu dilay Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, wuxuuna Darawal u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Darawalka la dilay uu Mooto Bajaajta ku siday qaad uu soo qaaday, isla markaana waxaa falkaas u geystay oo wadada u galay rag hubeysan oo Macwiis watay, iyagoona rasaas ku furay Darawalka.

- Advertisement -

Darawalka dhintay ayaa la tilmaamay inuu Mootada u waday, si xawaare dheereeya ah, waxaana ragga hubeysan markii dambe ay qaateen qaadkii ay sidday Mootada, kaasi oo loo waday goob lagu iibiyo Jaadka la keeno Magaalada Muqdisho.

Meydka Darawalka oo dhallinyaro ahaa ayaa waxaa daqiiqado kadib goobta uu falku ka dhacay laga qaaday, halkaas oo aheyd Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, sida ay sheegeen dad goobta ku sugnaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey loogu dilay Darawalo Mooto Bajaaj ku shaqeysan jiray oo dhallinyaro ahaa, waxaana inta badan darawaladii lagu dilay Caasimadda dilalka u geystay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories