HomeWararDowladda Somalia oo ku dhawaaqday in lasoo Afjaray Howlgalkii Burcad-badeeda

Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in lasoo Afjaray Howlgalkii Burcad-badeeda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022. Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka  Jamhuuriyadda […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Arintan ayaa noqotay mashruuc la buun-buuniyay oo Dowladdo shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaateen maalintii shalay aheyd, ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan Baale ayaa saacado ka hor Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”.

- Advertisement -

Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Latest stories