HomeWararAkhriso:-Magacyada 7 Xildhibaan cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

Akhriso:-Magacyada 7 Xildhibaan cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop 045 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii kale ee la tartamayey Yuusuf Maxamed Cabdulaahi […]

- Advertisement -

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop 045 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii kale ee la tartamayey Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu isna heley 8-cod, 3-cod wey halowday.

- Advertisement -

Maxamed Cabdala Axmed ayaa waxaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, waxaana uu helay codad gaaraya 76-cod, halka Musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod , 2-cod wey halowday.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-162 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cusmaan Cumar iyo Maxamed Daliib Xasan, isla markaana waxaa kursigaas kusoo baxay Maxamed Cusmaan oo helay 74-cod iyo Maxamed Daliib oo heley 17-cod.

Kursiga Hop-148 ayaa waxaa ku tartamay Calwiya Siid Cabdullaahi iyo Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir, waxaana kursiga Hop-148 ku guuleysatay Calwiya Siid oo codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed ay heshay 10-cod, 2-cod wey halowday.

- Advertisement -

Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS, iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur  ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS, isagoo heley codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu isna heley 11-cod.

Doorashada kursiga Hop-163 ee ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Baraawe ayaa waxaa ku tartamay Isaaq Maxamed Maxamuud iyo Cabdullaahi Cismaan Ibraahim, waxaana kusoo baxay Isaaq Maxamed oo helay 86-cod, sidoo kalena Musharaxii la tartamayey Cabdulaahi uu heley 10-cod, halka 4-cod  ay halaawday..

Latest stories