HomeWararRW Rooble oo Dalbaday in dib loo dhigo Doorashada kursiga uu doonayo...

RW Rooble oo Dalbaday in dib loo dhigo Doorashada kursiga uu doonayo Fahad Yaasiin

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar ay BBC Soomaali heshay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo Guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubno ka tirsan Guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa […]

- Advertisement -

Warar ay BBC Soomaali heshay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo Guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubno ka tirsan Guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka Ra’iisul Wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86. Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.

Xiriirka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilka taliyaha hay’adda awoodda badan ee NISA.

Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne. Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo maamulka ka jira Beledweyne iyo madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

Xigasho: BBC Somalia

Latest stories