HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Askari dilay Wiil Bajaajle ahaa

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Askari dilay Wiil Bajaajle ahaa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamadda Ciidamada manta waxaa ay ayaa Xukun Dil ah ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, oo horay qof shacab ah dil u gaystay, kadibna baxsad lagu soo qabtay. Xasan Maxamuud  Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle ayay maxkamaddu manta Xukun ku ridday, waxaana lagu xukumay dil […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada manta waxaa ay ayaa Xukun Dil ah ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, oo horay qof shacab ah dil u gaystay, kadibna baxsad lagu soo qabtay.

Xasan Maxamuud  Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle ayay maxkamaddu manta Xukun ku ridday, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

- Advertisement -

Dilka Marxuumka kadib ayuu isaga Baxsaday goobaha Dowladda, waxaana September 2019  Maxkamadda Ciidamada ay u jartay Waaran soo qabasha ah, iyadoo lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo, kadibna la hor keeno caddaaladda.

December Sanadkii tegay ayuu u Gacan Galay Hay’adaha amniga Dowladda Soomaaliya, oo markii horeba ku raad joogay, maaddaama waaran loo jaray Askariga dilka gaystay.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu soo maray dhammaan Hab Raacyadii lagag gaaray Go’aanka, Xasan oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga ayay Maxkamadda Xukun ku ridday manta sheegtay in uu wali haysto fursad  uu ku dalban karo Rafcaan.

Latest stories