HomeWararAfhayeenka Xukuumadda Macallimuu “Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga badbaaday Qaraxa”

Afhayeenka Xukuumadda Macallimuu “Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga badbaaday Qaraxa”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u […]

- Advertisement -

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.

- Advertisement -

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.

“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.

Waxa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.

- Advertisement -

“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.

Waxa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.

Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.

Waxa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan maanta Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqeeyay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Latest stories