HomeWararYaa bixiyay amarka lagu joojiyay safarkii Cali Yare Cali ee Dhuusamareeb?

Yaa bixiyay amarka lagu joojiyay safarkii Cali Yare Cali ee Dhuusamareeb?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa shacaa ka qaaday cidda sida rasmiga ah ug dambeysay amarkii saaka lagu joojiyay safar uu doonayay inuu ugu amba-baxo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Cali Yare ayaa sheegay in ay been iyo wax kama jiraan ay yihiin wararka sheegayay in safarkiisa ay […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa shacaa ka qaaday cidda sida rasmiga ah ug dambeysay amarkii saaka lagu joojiyay safar uu doonayay inuu ugu amba-baxo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Cali Yare ayaa sheegay in ay been iyo wax kama jiraan ay yihiin wararka sheegayay in safarkiisa ay baajisay NISA, waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin sabab ay ku baajiyaan socdaalkiisa.

- Advertisement -

Waxaa uu carrabka ku dhuftay in madaxweynaha Dowalad Goboleedka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor uu NISA soo wacay, kana codsaday in ay baajiyaan socdaalkiisa, balse waxaa uu sheegay in ay ka biyo diideen saraakiisha NISA.

Si waliba Cali yare Cali ayaa Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay in uu is Hor istaag ku sameeyay isaga  iyo waftigiisa.

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin  sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen. Madaxda NISA waxaan uga mahadcelinayaa Jawaabta ay arrinkaas ka bixiyeen oo ahaa mid dhaxalgal ah oo ka turjumaya macnaha dhabta ah ee Hey’addu u taagantahay” ayuu yiri Cali Yare cali.

Latest stories