HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay sababta Garoonka diyaaradaha looga celiyay Guddoomiye Muudeey

Taliska Booliska oo shaaciyay sababta Garoonka diyaaradaha looga celiyay Guddoomiye Muudeey

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa caddeeyay sababtii Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muuddey looga cel;iyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho,xili uu doonayay in uu u duulo Magaaladas baraawe ee maamulka Koofur Galbeed. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay sababta rasmga ah iyo waxyaabaha uu salka ku hayo is hor istaagga […]

- Advertisement -

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa caddeeyay sababtii Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muuddey looga cel;iyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho,xili uu doonayay in uu u duulo Magaaladas baraawe ee maamulka Koofur Galbeed.

Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay sababta rasmga ah iyo waxyaabaha uu salka ku hayo is hor istaagga lagus ameeyay socdaalka Guddoomiye Muudeey.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa shegay in Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaankii 10aad uu Ciidamo farabadan la tagay garoonka, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in hub iyo Ciidan intaa la eg ay ka baxaan garoonka xili doorasho xasaasi ah ay socoto.

Waxaa uu intaa ku daray in wax ka badan 5 Askari aan la oggolayn in ay raacaan musharxiinta kuraasta u doonanaya dowlad Goboleedyada, waxaana uu intaa ku daray in Ciidanka boolisku ay ka war heleen Ciidamada uu wato Muudey sidaa darteedna ay joojiyeen.

”C/weli Muudeey waxa uu watay ciidan tira badan oo sida hub culus,musharaxiinta laga ma ogolaan doono saanad ciidan iyo hub culus in ay la tagaan goobaha doorashada waxaa loo ogol yahay 3-ilaa 4-Askari” ayuu yiri Afhayeenka  u hadlay Booliska.

- Advertisement -

Shalay ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Aadan cadde laga celiyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday, waxaana xigtay in maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ay soo saaren amar ku aaddan in degaanada KGS aan lala imaan karin ilaalo iyo hub, goobaha ammaanka doorashooyinkana ay sugayaan Ciidan ay maamulku diyaariyeen.

Latest stories