HomeCaalamkaSarkaalkii ugu horreeyay oo Israeli ah oo si rasmi uga shaqo galaya...

Sarkaalkii ugu horreeyay oo Israeli ah oo si rasmi uga shaqo galaya Dal Carbeed

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan milatariga Israel si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taal, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horeeyey ee Israeli ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed. Wasaaradda arimaha dibadda […]

- Advertisement -

Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan milatariga Israel si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taal, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horeeyey ee Israeli ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.

Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israeli-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.

- Advertisement -

Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israel iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed.

Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xiriir la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.

Latest stories