HomeWararJubbaland oo sheecisay Magaaladii labaad ee lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka

Jubbaland oo sheecisay Magaaladii labaad ee lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa lagu shaaciyey suurta galnimada doorasho ka dhacda deegaanka doorashada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, iyo caqabadaha hor taagan. Shirkan oo laga soo saarey war murtiyeed, ayaa lagu faah faahiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in […]

- Advertisement -

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa lagu shaaciyey suurta galnimada doorasho ka dhacda deegaanka doorashada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, iyo caqabadaha hor taagan.

Shirkan oo laga soo saarey war murtiyeed, ayaa lagu faah faahiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in lagu qabto doorashada xiligeeda, iyagoo haddana xubnahani ay ka deyriyeen xaaladda ay kusugan tahay magaalada Garbahaareey.

- Advertisement -

Dhanka kale, waxey carabka ku dhufteen in looggu daro waqti dheeraad ah xiliga doorashada, maadaama duruufo adag oo u gaar ah ay heystaan maamulka Jubbaland.

Bayaanka ayaa lagu nuux nuux sadey in haatan aysan suura gal aheyn in doorasho lagu qabto Garbahaarey, balse loo baahan yahay in xal kale oo degdeg ah la keeno.

Magaalada Garbahaareey, ayaa ah deegaan doorashada labaad ee maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo la qorsheeyey in halkaasi lagu doorto kuraas gaareysa illaa iyo 16.

Latest stories