HomeWararHirshabeelle oo shaacisay kuraasta ugu horreeysa ee lagu doonayo Magaalada Baladweyne

Hirshabeelle oo shaacisay kuraasta ugu horreeysa ee lagu doonayo Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa habeenimadii xalay aheyd shaaciyay liiska kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Qoraal ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle ayaa lagu soo bandhigay Liiska kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Baladweyne, waxaana lasii daayey 13 kursi oo […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa habeenimadii xalay aheyd shaaciyay liiska kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle ayaa lagu soo bandhigay Liiska kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Baladweyne, waxaana lasii daayey 13 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

- Advertisement -

Kuraasta lasii daayay ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana Musharaxiinta haatan dooneysa kuraasi ku jiro Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha dhinaca  amniga Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa inay shaaca ka qaadan Jadwalka doorashada kuraastan lasoo saaray ee doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,

Hirshabeelle ayaa noqotay markii labaad ee bilaabaya deegaan doorashada labaad ee horey loo qorsheeyay, waxaana horey u bilaabay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaalada Baraawe ku qabtay doorashada 13 kursi.

- Advertisement -

Latest stories