HomeWararGolaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray qorshe Amni iyo la dagaalanka Al-shabaab

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray qorshe Amni iyo la dagaalanka Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Maamulka Hirshabeelle. Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ka dhageystay qorshaha sugan ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Maamulka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ka dhageystay qorshaha sugan ee ammaanka looga shaqeynayo iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee hay’adaha ammaanka qorsheeyeen.

Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, biyaha, Howlaha guud iyo shaqada iyo Arrimaha bulshada ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.

Latest stories