HomeWararGanacsade Soomaali ah oo u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday

Ganacsade Soomaali ah oo u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay deegaanka Kraaifontein gaar ahaan qeybta Xaafadda Midabka ee dalkaas fal dhaawac ah ugu geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa, kaasi oo markii dambe geeriyooday. Muwaadinka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Nuur Afrax, isla markaana waxaa lagu weeraray goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafadda Midabka […]

- Advertisement -

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay deegaanka Kraaifontein gaar ahaan qeybta Xaafadda Midabka ee dalkaas fal dhaawac ah ugu geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa, kaasi oo markii dambe geeriyooday.

Muwaadinka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Nuur Afrax, isla markaana waxaa lagu weeraray goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafadda Midabka ee Koonfur Afrika, iyagoona Muwaadin ugu galay Dukaankiisa, kadibna rasaas ku furay.

- Advertisement -

Dad Ehel la ah Muwaadinka la dilay ayaa xaqiijiyay in burcada iyaga oo aan waxba weydiinin Aadan Nuur ay rasaas uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, waxaana marka hore soo gaaray, balse markii Isbitaalka loola cararay ayuu geeriyooday.

“Dukaankiisa ayey ugu tageen Tuugada, iyagoo waxba weydiin ayeyna Rasaasta qeybaha kore ee jirka uga fureen, mana naqaano sababta, islamarkiiba dhaawac ahaan ayaan Isbitaalka ula cararnay, balse tiisaa meeshaan ku ekeyd oo waa uu geeriyooday” waxaa sidaasi Saxaafadda u xaqiijiyey Muwaadin Soomaali ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ah dal ay dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay oo wax ka qabatay dhibaatada lagu haayo Soomaalida halkaas kunool.

Latest stories