HomeWararGalmudug oo faah faahisay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb

Galmudug oo faah faahisay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shaqaaqo u dhexeeysay Ciidamo ilaalo u ah Musharaxiinta kala ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shaqaaqada dhacday, ay ka bilaabay tuhun la xiriira Telefoono la […]

- Advertisement -

Shaqaaqo u dhexeeysay Ciidamo ilaalo u ah Musharaxiinta kala ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shaqaaqada dhacday, ay ka bilaabay tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, isla markaana arrinta oo aheyd mid yar si deg deg ah loo xaliyey.

- Advertisement -

Taliye Maxamed Aadan ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Saraakiisha Ciidanka Maamulka kala dhex-galeen Ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, isla markaana Askar fowdo sameeysay lagu xiray Saldhiga Booliska Magaalada.

Taliyaha ayaa intaas kusii daray hadalkiisa in Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku sugan Caasimadda Galmudug ee wata ilaalada aan laga aqbali doonin in gudaha Magaalada ku ridaan rasaas dabaal-deg ah, taasi oo uu xusay inay waxyeeleyn karto dadka shacabka ah.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin farabadan oo u tartameysa kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena Magaalada ayaa waxaa jooga Mas’uuliyiin kale.

Latest stories