HomeWararGaadiidley Banaanbax cabasho ah Maanta ka dhigay Magaalada Garoowe

Gaadiidley Banaanbax cabasho ah Maanta ka dhigay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Gaadiidleyda ku shaqeysata Mooto Bajaajta ka howlgasha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta halkaas ka dhigay banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedan Go’aan kasoo baxay Guddiga amniga Gobolkaas. Gaadiidleyda Mooto Bajaajta ayaa banaanbaxooda uga cabanayey Go’aankii looga mamnuucay Mooto Bajaajta isticmaalka wadada halbowlaha ah ee Magaalada Garoowe, isla markaana sheegay inay […]

- Advertisement -

Gaadiidleyda ku shaqeysata Mooto Bajaajta ka howlgasha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta halkaas ka dhigay banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedan Go’aan kasoo baxay Guddiga amniga Gobolkaas.

Gaadiidleyda Mooto Bajaajta ayaa banaanbaxooda uga cabanayey Go’aankii looga mamnuucay Mooto Bajaajta isticmaalka wadada halbowlaha ah ee Magaalada Garoowe, isla markaana sheegay inay ka xun yihiin tallaabada la qaaday.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay doonayaan inay maraan oo ay isticmaalan wadada halbowlaha ah ee Garoowe, balse Maamulka uu u diiday, ayna kasoo horjeedan Go’aanka, maadaama ay bixiyaan lacagta Canshuurta laga qaado gaadiidleyda.

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland oo dhawaan shir yeeshay ayaa soo saaray Go’aan gaadiidka Mooto Bajaajta looga mamnuucay wadada halbowlaha ah ee Garoowe, iyagoona sababta ku sheegay inay bateen shilalka Mootada.

Guddiga amniga ayaa tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo wadata Mooto Bajaaj oo isticmaasha wadada, isla markaana loo hoggaansamo Amarka kasoo baxay Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Latest stories