HomeWararDowladda Switzerland oo mamnuucdey xayeeysiinta Sigaarka

Dowladda Switzerland oo mamnuucdey xayeeysiinta Sigaarka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Codbixiyeyaasha dalka Switzerland, ayaa taageerey mamnuucista xayeeysiinta Tubaakada, meel kasta oo ay indhaha dhalinyaradu qaban karayaan. Dhaqan ahaan, codka Haa ee aftida dalka oo dhan, waxey horseedi doontaa mamnuucis buuxda. Tallaabadan ayaa Switzerland ka dhigi doonta mid la jaan qaadi karta dalalka dariska la ah ee Yurub, kuwaasoo intooda badan qaatey sharciyo adag oo ku […]

- Advertisement -

Codbixiyeyaasha dalka Switzerland, ayaa taageerey mamnuucista xayeeysiinta Tubaakada, meel kasta oo ay indhaha dhalinyaradu qaban karayaan.

Dhaqan ahaan, codka Haa ee aftida dalka oo dhan, waxey horseedi doontaa mamnuucis buuxda.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa Switzerland ka dhigi doonta mid la jaan qaadi karta dalalka dariska la ah ee Yurub, kuwaasoo intooda badan qaatey sharciyo adag oo ku saabsan xayeeysiinta tubaakada sanado kahor.

Inkastoo uu dalkani leeyahay jawi caafimaad qaba oo dhanka deegaanka ah, dadkana soo dhoweeya, ayaa haddana Switzerland waxey leedahay sharciyada ugu dabacsan marka ay timaado xakameynta Tubaakada ee qaaradda Yurub.

Muddo dheer kadib, sigaar ku cabista baararka iyo makhaayadaha, ayaa laga mamnuucey dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka, halka Swiss-kana ay usii seeta dheereeyeen.

- Advertisement -

Dukaamada waa weyn waxaa si joogta ah ula xiriiraya dumar da yar oo dhoola cadeynaya, iyagoo siinaya muunado bilaash ah, oo ah summadda sigaarka ee ugu dambeysay.

Iyadoo waxyalahas la mamnuucey dhawr sano kahor, xayeeysiinta tubaakada ayaa harsaneyd.

Iyaga oo ammaanaya natiijadii Axadda, xubin katirsan xisbiga Social Democrat ee baarlamaanka, Flavia Wasserfallen, ayaa ammaantey ururada dhakhaatiirta, iyo macalimiinta ee u ololeeyey mamnuucista.

 

“Dadku runtii aad bay uga shaqeeyeen siyaasad qalbiga dhalinyarada dageysa,” ayey u sheegtay television-ka Swiss-ka.

Latest stories