HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka hadashay Geerida ku timid Maareeye ku-xigeenkii Tiyaatarka

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Geerida ku timid Maareeye ku-xigeenkii Tiyaatarka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Jiir oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo, sidoo kale qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan saaxiibadiisii shaqada ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Jiir oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo, sidoo kale qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan saaxiibadiisii shaqada ee wasaaradda warfaafinta ayuu u rajeeyey samir iyo iimaan.

- Advertisement -

Marxuumka Cabdikarikn Faarax Qaareey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, waxaana xanuunkii halkaas ugu geeriyooday Maanta, isagoo markii hore laga deyrinayey xaaladdiisa Caafimaad.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa lagu wadaa in Marxuum Cabdikarikn Faarax Qaareey Aas loogu sameeyo qabuuro ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdikarikn Qaareey ayaa wuxuu ka mid ahaa Raggii iyo gabdhihii lagu aas-aasay kooxdii iftin. Ragga ay kooxdaas wada billaabeen waxaa ka mid ahaa Abwaan Xasan Sheekh Muuumin.

Latest stories