HomeWararCabdi Wali Muudey “Diyaaraddii i qaadi laheyd ayaa loogu hanjabay in lasoo...

Cabdi Wali Muudey “Diyaaraddii i qaadi laheyd ayaa loogu hanjabay in lasoo ridayo”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu kusii jeeday magaalada Baraawe. Muudeey ayaa doonayay in uu u tartamo kursi ka mid ah Golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu ay tahay maamulka Koofur Galbeed […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu kusii jeeday magaalada Baraawe.

Muudeey ayaa doonayay in uu u tartamo kursi ka mid ah Golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu ay tahay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu fah faahin kaga bixiryay Shir jiraa’id oo uu qabtay galabta.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ayaa sheegay in amaka lagu joojiyay duulimaadkiisa ay ka dambeeyeen maamulka koofur galbeed oo uu sheegay in loogu hanjabay in diyaaraddooda lasoo ridi doono, sidaa darteedna ay keentay in diyaaraddu ay ka tagto isaga iyo xubihii kale ee la socday.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa intas ku daray in xadgudb cad lagula kacay manta, waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in la doonayo in kursigiisa loo xiro shaqsi gaar ah.

Guddoomiye Muudey ayaa kusii jeeday Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo la sheegay in loo xiray Nin lagu magacaabo Maxamedweli Cabdullaahi Sheekh.

- Advertisement -

Kursiga uu ku fadhiyo Cabdiweli Muudeey ayaa yaallo Magaalada Baraawe oo ay deegaan doorashadiisa tahay, waxaana kursiga uu ku fadhiyo Muudeey uu kamid yahay 13 kursi oo doorashadooda ka dhaceysa Magaaladaas maalmaha soo socda…

 

Latest stories