HomeWararSaraakiil ka tirsan Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo raalli-geliyey Madaxweyne Guudlaawe

Saraakiil ka tirsan Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo raalli-geliyey Madaxweyne Guudlaawe

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa kulan la yeeshay Korneyl Nuur Dheer, Xildhibaano iyo saraakiil kale. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Korneyl Nuur Dheer oo kamid ah Saraakiisha kacdoonka Hiiraan uu Madaxweynaha Madaxweyne Guudlaawe ka raali galiyay qadafkii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigaanka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa kulan la yeeshay Korneyl Nuur Dheer, Xildhibaano iyo saraakiil kale.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Korneyl Nuur Dheer oo kamid ah Saraakiisha kacdoonka Hiiraan uu Madaxweynaha Madaxweyne Guudlaawe ka raali galiyay qadafkii ka dhacay ee uu ku diidanaa Maamulka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxtooyada ayaa tilmaamtay in Nuur Dheer iyo Saraakiil kale oo la socotay ay ballan qaadeen inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle, uuna Madaxweynaha bogaadiyay imaanshaha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xaliyay dhammaan tabashooyinkii jiray, isagoo weli Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka wada kulamo lagu xalinayo tabashada lagu diidanaa.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Cali Guudlaawe xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa Baladweyne iyo duleedkeeda laga aas-aasay Ciidamo maleeshiyaad ah oo ah kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo siweyn uga soo hoejeeda Madaxweyne Guudlaawe inuu tego Baladweyne.

Latest stories