HomeCaalamkaMareykanka oo xaalad quus ah ka taagan xiisada Ukraine iyo Ruushka oo...

Mareykanka oo xaalad quus ah ka taagan xiisada Ukraine iyo Ruushka oo duulaan ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciidamada Ruushka waxa ay diyaar u yihiin inay ku duulaan Ukraine “xiili kasta”, sidaa awgeed waa in muwaadiniinta Maraykanka ay dalkaas uga baxaan 48-da saac ee soo socota, ayay sheegtay xukuumadda Washington. Duulaanka ayaa ku billaaban kara duqeyn cirka ah, taasoo adkeyn doonta in Ukraine laga samata bixiyo muwaadiniinta Maraykanka, ayuu sheegay Aqalka Cad. Xukuumadda […]

- Advertisement -

Ciidamada Ruushka waxa ay diyaar u yihiin inay ku duulaan Ukraine “xiili kasta”, sidaa awgeed waa in muwaadiniinta Maraykanka ay dalkaas uga baxaan 48-da saac ee soo socota, ayay sheegtay xukuumadda Washington.

Duulaanka ayaa ku billaaban kara duqeyn cirka ah, taasoo adkeyn doonta in Ukraine laga samata bixiyo muwaadiniinta Maraykanka, ayuu sheegay Aqalka Cad.

- Advertisement -

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

Latest stories