HomeWararJadwalka Doorashada kuraas ay u sharaxan yihiin CC Shakuur iyo C/llaahi Kulane...

Jadwalka Doorashada kuraas ay u sharaxan yihiin CC Shakuur iyo C/llaahi Kulane oo la shaaciyey

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo Guddiga soo saaray ay bilaabaneyso 13-ka bishaan Febraayo, kuna beegan maalinta berri oo […]

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo Guddiga soo saaray ay bilaabaneyso 13-ka bishaan Febraayo, kuna beegan maalinta berri oo Axad ah.

- Advertisement -

Saddexda kursi ee Golaha Shacabka ee lasoo saaray ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin #HOP138 oo kamid yahay Musharaxiinta u tartamaya kursigaas hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kursiga HOP#40 uu isna Musharaxiintiisa ku jiro Cabdullaahi Kulane oo ahaa ku-xigeenkii Agaasimaha NISA iyo kursiga #HOP007.

Doorashada kuraastan ayaa waxaa la qaban doonaa sida ku Cad Jadwalka 13-ka bishaan Febraayo, isla markaana waxaa doorashada kuraasta ka dhaceysaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana socda diyaar garoowga doorashada.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo sabti ah qabtay doorashada laba kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya..

- Advertisement -

 

 

Latest stories