HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalmo kahor diiwaan-geliyay Musharaxiin u tartamaya labada kursi, halka kursi kalena lagu waday doorashadiisa inay Maanta ka dhacdo […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalmo kahor diiwaan-geliyay Musharaxiin u tartamaya labada kursi, halka kursi kalena lagu waday doorashadiisa inay Maanta ka dhacdo Dhuusamareeb dib loo dhigay, sababo la xiriira dhammeytirka habraaciisa.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#025 oo ay ku tartami doonaan Xasan Cali Cismaan iyo Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, halka kursiga HOP#081 ay ku tartami doonaan Cadar Cali Maxamed iyo Nasro Maxamed Dalabey..

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay dib u dhigay kursiga tirsigiisu yahay HOP#053, waxaana kursigaas ku tartami lahaa 7 Dumar ah, balse dib ayaa loo dhigay doorashadiisa, iyadoona Guddiga uu sheegay inay dhammeytirayaan habraaciisa.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulka labaad oo si dardar leh ku wada qabashada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay Xildhibaano badan.

Latest stories