HomeWararDF iyo Turkiga oo baaraya sababta ay Muwaadiniin Soomaali ah ugu dhinteen...

DF iyo Turkiga oo baaraya sababta ay Muwaadiniin Soomaali ah ugu dhinteen Qabow dartiis

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu. Kulanka labada Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee labada dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah, kuna saleeysan arrimo dhowr ah. Labada wasiir […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Kulanka labada Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee labada dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah, kuna saleeysan arrimo dhowr ah.

- Advertisement -

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Wasiirada ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed oo 5 ahaa, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay dareenka farxadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwada Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

Latest stories