HomeWararTurkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxyadii Muqdisho, Boosaaso iyo weerarkii Baraawe

Turkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxyadii Muqdisho, Boosaaso iyo weerarkii Baraawe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay qaraxyadii ka kala dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho iyo weerarkii loo adeegsaday madaafiicda ee maalin kahor lagu weeraray Magaalada Baraawe. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyada iyo weerarka madaafiicda ee 9-10kii Febraayo 2022 ka kala dhacay, Boosaaso, Muqdisho […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay qaraxyadii ka kala dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho iyo weerarkii loo adeegsaday madaafiicda ee maalin kahor lagu weeraray Magaalada Baraawe.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyada iyo weerarka madaafiicda ee 9-10kii Febraayo 2022 ka kala dhacay, Boosaaso, Muqdisho iyo Baraawe, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarkii dhacay, iyagoona dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, waxaana dadka dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradaas foosha xun ee argagixisanimo oo 9 iyo 10kii Febraayo ka kala dhacay magaalooyinka Baraawe, Boosaaso iyo Muqdisho ee Soomaaliya. waxaana tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda.

Dowladda Turkiga ayaa intaas waxaa ay kusii dartay inay sii wadi doonaa garab istaagga dowladda Federalka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah waxa loogu argagixisada.

- Advertisement -

Ugu yaraan11 qof ayaa ku dhimatay, halka 25 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyadii Boosaaso iyo midkii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho, iyo weerarkii madaafiicda ee lagu qaaday Baraawe, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyadooda.

Latest stories