HomeWararKoox hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah...

Koox hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin la helay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii Maanta oo Jimco ah xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya. Dad goobjoogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysan Bastoolado ay Askariga ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida ku dleen xaafadda Daadsaney, xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii Maanta oo Jimco ah xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysan Bastoolado ay Askariga ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida ku dleen xaafadda Daadsaney, xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday Salaadii Jimcaha.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dilka askariga, kaddib Ciidamo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta, ay iyaguna dileen nin la sheegay inuu ka dambeeyay dilkaasi Askriga loo geystay, xili ay baxsaneysay kooxdii falka fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa durbadii sida caadada aheyd tegay halka lagu dilay Askariga ka tirsanaa Nabadsugida, iyagoona qaaday Meydka Askariga oo magaciisa lagu sheegay Muuse Daahir.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo ku hubeysan Bastoolado, waxaana dilalka ka dhaca Caasimadda Muqdisho sheegta Al-shabaab.

Latest stories