HomeWararTaliye Odawaa oo Dowladda Qatar kala hadlay tayeynta Ciidamada Xoogga dalka

Taliye Odawaa oo Dowladda Qatar kala hadlay tayeynta Ciidamada Xoogga dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad. Kulanka ayaa labada Mas’uul ee Safiirka Qatar iyo Taliye Odawaa Yuusuf uga hadleen xoojinta iyo dardargelinta taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada lagu saaray xoojinta […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad.

Kulanka ayaa labada Mas’uul ee Safiirka Qatar iyo Taliye Odawaa Yuusuf uga hadleen xoojinta iyo dardargelinta taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada lagu saaray xoojinta iyo tayeynta Ciidanka xoogga dalka.

- Advertisement -

Taliye Odawaa ayaa safiirrka la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in la dhiso awood ciidan oo tayo leh si buuxdana ula wareega sugida amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad ayaa kulanka ka sheegay inay dardar-gelin doonaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay inay sii socoto wadashaqeynta labada dhinac.

Dowladda Qatar ayaa waxaa la sheegaa inay xiriir dhow la leedahay Madaxda dowladda Federaalka ee haatan talada dalka heysa ee ugu horreeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories