HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay Cidda lala beegsaday Qaraxii ka dhacay Ceel-gaabta

Taliska Booliska oo shaaciyay Cidda lala beegsaday Qaraxii ka dhacay Ceel-gaabta

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kooban uga hadlay qarax xoogan oo  soddon daqiiqo kahor ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayuu ku sheegay in qaraxa dhacay uu mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay […]

- Advertisement -

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kooban uga hadlay qarax xoogan oo  soddon daqiiqo kahor ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayuu ku sheegay in qaraxa dhacay uu mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu isku dhex qarxiyey dad shacab ah oo ku sugnaa Ceel-gaabta.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa sheegay in wixii faah faahin ah ay dib warbaahinta uga soo gudbi doonaan, wuxuuna Qoraalkiisa ku yiri “Abaaro 1026hrs waxaa shaqsi Naftii Halige ah Isku Qarxiyey Isgoyska Ceelgaabta xili ay wada xirneyd, wuxuuna ku dhax qarxay Dad tayid  ah, wixii Qasaara ah dib ayaan ka soo sheegeynaa”….

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay Baabuur siday qaar kamid ah Ergooyinkii maanta ka qeybgalayay doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Latest stories