HomeWararShil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Faah faahino ayaa kasoo baxaya shil khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay inta u dhexeeysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas dhacay uu si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo dalcadda Rabaable, waxaana shilka uu ka dambeeyay, […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya shil khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay inta u dhexeeysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas dhacay uu si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo dalcadda Rabaable, waxaana shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo nooca raaxada ahaa, xili ay iska horyimideen.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo rag ah ayaa ku geeriyooday shilka, halka Nin iyo qof Haweeney ahna ay ku dhaawcmeen, isla markaana waxaa laba ruux ee dhaawacmay la geeyay Xarun Caafimaad, sidoo kalena goobta laga qaaday Meydadka dadka dhintay.

Saraakiisha Ciidamada Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan dadka waxyeelada gaartay ay saarnaayeen gaariga yar ee raaxada ahaa, kaasi oo ku dhacay gaariga weyn, xili ay iskaga horymideen dalcadda Rabaable.

Shilal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowr jeer oo horey ka dhacay gudaha iyo duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, waxaana inta badan shilalka sababay gaadiidka oo xawaare loo kaxeeyo iyo waddooyinka qaar oo burbursan.

Latest stories