HomeWararMaxaa looga hadlay kulan xalay Golaha Wadatashiga Qaran ay yeesheen?

Maxaa looga hadlay kulan xalay Golaha Wadatashiga Qaran ay yeesheen?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen aalada fogaan arraga ah ee ZOOM-ka. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan tan amniga iyo dhammeystirka howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo ka socota maamul Goboleedyada. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen aalada fogaan arraga ah ee ZOOM-ka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan tan amniga iyo dhammeystirka howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo ka socota maamul Goboleedyada.

- Advertisement -

Waxaa kaloo kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka looga arrinsaday wax ka qabashada xaaladda abaaraha baahsan iyo biyo la’aanta jirta, kuwaasi oo saameeyn ballaaran ku yeeshay qoysas farabadan oo kunool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka, maadaama maalmo kooban ay ka harsan yihiin waqtigii lagu heshiiyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 25-ka bishaan Febraayo.

Kulanka xalay ayaa ku soo beegmay, saacado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray qarar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada.

Latest stories