HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baraawe

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baraawe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay doorashada Golaha Shacabka ka bilaabay Baraawe, waxaana halkaas lagu doortay 7 Xildhibaan oo kamid noqday Baarlamaanka […]

- Advertisement -

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay doorashada Golaha Shacabka ka bilaabay Baraawe, waxaana halkaas lagu doortay 7 Xildhibaan oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP080, HOP255, HOP160, HOP150, HOP155 iyo HOP173, isla maraakana waxaa kuraastaas ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo loo diiwaan-geliyay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaabay deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, halka weli aysan bilaabin maamulada kale ee oo ay ka socoto doorashada Caasimadaha dowlad Goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa siweyn loo adkeeyay, kadib markii shalay Magaaladaas ay ku dhaceen madaafiic sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay afar qof, halka 9 qof kalena ay dhaawacmeen.

Latest stories