HomeWararDarawal Soomaali ah oo waday Gaari ay saarnaayeen Carruur oo la toogtay

Darawal Soomaali ah oo waday Gaari ay saarnaayeen Carruur oo la toogtay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Waxaa xaafad ku taalla Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka saacadihii lasoo dhaafay lagu toogtay Darawal Soomaali ah oo waday gaari Bas oo uu ku qaadi jiray Arday dhigata Iskuul. Darawalkan ayaa madaxa laga toogtay, isaga oo wada baska Iskuulka, isla markaana waxaa xiligaas gaariga saarnaa saddex Carruur ah oo Arday ah, sida ay sheegeen […]

- Advertisement -

Waxaa xaafad ku taalla Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka saacadihii lasoo dhaafay lagu toogtay Darawal Soomaali ah oo waday gaari Bas oo uu ku qaadi jiray Arday dhigata Iskuul.

Darawalkan ayaa madaxa laga toogtay, isaga oo wada baska Iskuulka, isla markaana waxaa xiligaas gaariga saarnaa saddex Carruur ah oo Arday ah, sida ay sheegeen Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Toogashadda loo geystay darawalka baska iskuulka waday ayaa ka dhacday meeha ay iska jaraan labadda jid ee 37th Avenue iyo North Fremont Avenue ee waqooyiga Magaalada Minneapolis.

Darawalka ayaa isaga oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka North Memorial. Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa sheegay in qofka la toogtay uu dhaawac soo gaaray, isla markaana dhaawaciisa uusan ahayn mid halis ah, lana dabiibayo.

Weli lama sheegin magaca, da’da darawalka Soomaaliga ah ee la toogtay.

Latest stories