HomeWararAkhriso:-Magacyda Lix Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

Akhriso:-Magacyda Lix Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada lix kamid ah kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baraawe.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop-250 ayaa waxaa kusoo baxay Cali Maxamed Sheekh oo helay 80 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdala Maxamed Shariif uu isna helay 17 Cod, ma jirin Cod ka halaabay doorashada oo la shaaciyay.

- Advertisement -

Maxamed Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-160 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 73 Cod, halka Musharaxii la tartamayey Cali Abuukar Maxamed uu isna heley 12 Cod.

Doorashada kursiga Hop-173 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Cabdifataax Cabdulaahi Araye iyo Cabduhaab Cali Axmed, waxaana doorashada kusoo baxay Cabdifataax oo helay 73 Cod, Cabduhaab ayaa isna helay 16 Cod.

Aweys Xuseen Macalin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-080 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isla markaana waxa uu helay codad gaaraya 76 Cod halka Musharaxii la tartamayey Maxamed Cusmaan Jibriil uu heley 20 Cod.

- Advertisement -

Kursiga Hop-155 ayaa waxaa kusoo baxday Jawaahir Cadaawe Cabdi oo heshay 76 Cod, waxaana Musharaxii kale ee la tartamaysay Mariya Maxamed ay heshay 14 Cod, iyadoona kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu qabtay Baraawe ee Hop-150 uu kusoo baxay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo helay 85 Cod, halka musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Ibraahim uu heley  5-cod.

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay ilaa iyo Maanta lagu doortay 13 kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, waxaana Maamulka KGS uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba deegaan doorashada labaad…

Latest stories