HomeWararAkhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qaraxii xooganaa ee Maanta ka dhacay Ceel-gaabta

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qaraxii xooganaa ee Maanta ka dhacay Ceel-gaabta

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho. Qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dad isugu jiray shacab iyo Askar oo ku sugnaa Ceel-gaabta, isla […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dad isugu jiray shacab iyo Askar oo ku sugnaa Ceel-gaabta, isla markaana waxa uu qaraxu dhacay, xili uu wadada marayey gaari Bas ah oo waday ergada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhintay 6 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah, halka 13 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha gaadiidka gurmadka Deg-dega ee Aamin Ambulance.

Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay isbitaalo ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana sidoo kale burbur uu gaaray dhismooyin ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd Bartanka Isgoyska Ceel-gaab ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska oo hadlay qaraxa ayaa waxaa uu xaqiijiyay oo kaliya in qaraxa uu fuliyay qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu beegsaday dad shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa, uuna jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac…

- Advertisement -

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Latest stories