HomeWararPuntland oo Mooto Bajaajta ka mamnuucday waddo muhiim ah oo ku taalla...

Puntland oo Mooto Bajaajta ka mamnuucday waddo muhiim ah oo ku taalla Garoowe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Maanta gaadiidka Mooto Bajaajta ka mamnuucay inay maraan wadada halbowlaha u ah Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland. Ciidamada ammaanka Maamulka ayaa sameeyay howlgal lagu soo uruuriyey gaadiidka Mooto Bajaajta ee mareysay wadada halbowlaha u ah Magaalada Garoowe, waxaana Ciidanka ay xareeyeen Mooto Bajaaj badan. Guddiga […]

- Advertisement -

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Maanta gaadiidka Mooto Bajaajta ka mamnuucay inay maraan wadada halbowlaha u ah Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamada ammaanka Maamulka ayaa sameeyay howlgal lagu soo uruuriyey gaadiidka Mooto Bajaajta ee mareysay wadada halbowlaha u ah Magaalada Garoowe, waxaana Ciidanka ay xareeyeen Mooto Bajaaj badan.

- Advertisement -

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Puntland oo Maanta shir gaar ah yeeshay ayaa soo saaray Go’aanka lagu wadada looga mamnuucay wadada halbowlaha ah, iyadoona Guddiga isku raacay in Ganaaxo la dul-dhigo cidii lagu soo qabto arrintaas.

Sababta gaadiidleyda Mooto Bajaajta loogu diiday inay isticmaalan wadadaas ayaa lagu sheegay inay tahay Shilalka Bajaajta oo ku batay halkaas, isla markaana waxaa shilalka qaarkood ka dhasha khasaaro kala duwan.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Bajaajtii lagu soo qabto Isticmalka wadada wayn tallaabo sharci ah, lana Ganaaxi doono Darawalka wada Mootada la qabto.

Latest stories