HomeWararMaamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Tuulooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo la...

Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Tuulooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo la gubay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay tuulooyin hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la sheegay inay gubeen dagaalamayaasha Al-shabaab 28-kii bishii lasoo dhaafay Janaayo 2022. Wasiirka Beeraha ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cumar Ceymooy oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gebi ahaan la gubay tuulooyinka Mukay-Dheere iyo Mareerey ee hoostega Balcad, halkaas […]

- Advertisement -

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay tuulooyin hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la sheegay inay gubeen dagaalamayaasha Al-shabaab 28-kii bishii lasoo dhaafay Janaayo 2022.

Wasiirka Beeraha ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cumar Ceymooy oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gebi ahaan la gubay tuulooyinka Mukay-Dheere iyo Mareerey ee hoostega Balcad, halkaas ay ku noolaayeen dad xoolo dhaqato ah.

- Advertisement -

Wasiir Maxamad Ceymooy ayaa waxaa uu sheegay in dadkii ku sugnaa laba tuulo ay ka barakaceen, kadib markii la gubay, wuxuuna sheegay in falkaas lagu gubay tuulooyinka ay ka dambeeyeen Al-shabaab, isla markaana loo baahan in loo gurmado dadka.

Wuxuu dowladda Federaalka, hay’addaha Gargaarka iyo Ganacsata ugu baaqay inay u gurmadaan dadka laga gubay guryihiin ay deganaayeen, kuwaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin Cunto iyo goobo ay ka galaan gaboowga dhacaya.

Wasiirka Beeraha Hirshabeelle Ceymooy ayaa intaas kusii daray in Maamulkooda kaliya uusan waxba ka qaban karin dhibaatada gaartay tuulooyinka Mukay-Dheere iyo Mareerey, isagoo xusay in dadka ay barakaceen, xili loo diyaar garoobayay tacabdka beeraha.

Latest stories